23 فبراير, 2011

Dagaalada Muqdisho


Arbaco, 23 Feberaayo, 2011 .
Inta la ogyahay 16-qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay dagaal xooggan oo saakay aroortii hore ka billowday jidka warsahadaha ee Muqdisho iyo duqeymo barbar socday, waxaana ku dhaawacmay 35-qof oo kale.
Dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada AMISOM ay weerarro qorsheysan saakay ku qaadeen wasaaraddii hore ee gaashaandhigga iyo xeradii Shiirkole oo saldhigyo u ahayd Xarrakatul Shabaab, waxaana dagaalka uu saameyn xooggan ku yeeshay isku socodka magaalada Muqdisho maadaama uu ahaa kan keliya ee isku xira.
Madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho Cali Muuse Sheekh ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho inay qaadeen tan iyo saakay dhaawacyada 35-qof oo ku dhaawacmay rasaasta iyo madaafiicda ay dhinacyadu isku weydaarsanayeen Muqdisho, isagoo sheegay inay arkeen maydadka 16-qof intii ay howsha ku jireen.
Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka ay u badnaayeen dhinacyadii dagaalamayay maadamaa ay isaga horyimaadeen goobo ay ku yaraayeen shacabka, waxaana dagaalku uu haatan ka qabow yahay sidii uu saakay ku billowday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu ay ku sugan yihiin afaafka hore ee warshaddii gaashaandhigga, inkastoo afhayeenka Xarrakatul Shabaab uu sheegay inay difaacdeen saldhigyadooda.
Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ugu horreeyay oo ay ciidamada AMISOM kula galaan Xarrakatul Shabaab jidka dheer ee warsahadaha, iyadoo jugta madaafiicda ay dhinacyadu is-dhaafsanayaan laga maqlayo daafaha iyo gudaha magaalada Muqdisho.

0 التعليقات:

إرسال تعليق